Farmaajo oo u safray South Sudan xilli dalka uu khilaaf ka jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa maanta oo Arbaco ah u ambabaxay dalka Suudaanta Koonfureed, xili dalka uu ka jiro khilaaf siysaasadeed, oo lagu tilmaamay midkii ugu xumaa.

Ujeedka socdaalka madaxwaynaha ayaa ku saleysan ka qaybgalka munaasabad loogu dabaaldegayo dhameystirka heshiiska nabadda ee dalka dunida ugu da’da yar, ee Suudaanta Koonfureed, kaasi oo IGAD garwadeen ka ahayd.

Wasiiro, Xilldhibaano iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa Madaxwaynaha ku wehlinaya safarkiisa, waxaana la filayaa in inta uu ku sugan yahay Juba kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda dalalka ka qeybgalaya musaabadda.

Safarka madaxwaynaha ayaa imaanaya xili ay socoto waan-waan uu garwadeen ka yahay Aqalka sare, taasi oo la doonayo in xal loogu helo is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira, una dhaxeeya maamulada iyo dowlada dhexe.

Beesha Caalamka ayaa door ku leh dhex-dhaxaadinta xili xukuumadda ay soo magacowday Guddi kala shaqeeya Aqalka sare dedaalada uu wado, iyadoo dhanka maamulo goboleedyada aysan soo magacaabin wasiiradda la shaqeynya gudiga dhex-dhexaadinta.

Madaxda maamullada ayaa September 2018 xiriirka u jaray Villa Soomaamliya oo ay eedeeyeen inay faragelin toos ah ay ku hayso arrimahooda gudaha, gaar ahaan dhinaca doorashooyinka, oo ay gadaal ka riixayso musharaxiin gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM