Farmaajo oo waaraqa ka guddoomay danjire cusub

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Hindiya Mudane Virander Kumar Paul ayaa muujiyey dadaallada miro-dhalka ah ee Dowladdu ay gelisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalka caalamka ee dan-wadaagta la ah dalkeenna.

Danjire Kumar ayaa soo gaarsiiyay Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab.

Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka.

Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha Dowladda Hindiya horumarka muuqda ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta dimuqraadiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo u xaqiijiyey in uu kala kulmi doono shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed wada-shaqayn iyo soodhaweyn wanaagsan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya kaasoo lagu faafiyey barta ay ku leedahay internet-ka iyo baraha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM