Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiiro cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu ku qaabilay madaxtooyadda safiiro cusub.

Denjireyaasha oo nuqul kamid ah waraaqadahooda safiirnimo u gudbiyay Farmaajo ayaa kala metalaya wadamada Baxreyn iyo Burundi.

Wakiilka wadanka reer Carbeed, Juma Axmed Al Kaabi, oo intaasi kadib kulan la yeeshay hogaamiyaha dalka, ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal.

Si lamid ah, safiirka qaranka qaarada Afrika ku yaalla ee Remy Barampama waxa ay shir ay yeesheen Farmaajo, kaasi oo lagu faa’qiday dhowr arrimood.

Burundi ayaa kamida wadamadda ciidamada ku leh howlgalka midowga Afrika ee AMSIOM, kaasi oo in ka badan tobban sano ka socda Soomaaliya.

Boqortooyada Baxrayn ayaa kaalin ku leh dadaalada dib u yag-leelida dowladnimada Soomaaliya xili ay ku bixiso taageero maaliyadeed.

Midkoodna safiirada cusub wadamadooda kuma lahan safaarad magaalada Muqdisho, iyada oo sababta ugu wayn ay tahay amniga oo aan la isku haleyn karin, maadaama ay dhacayaan weerar agagixiso.

Kaliya Arbacadda maanta ah, laba laba qarax oo ka dhashay gaari, kuwaasi oo midkood uu ka badbaaday taliyaha sirdoonka Galmudug ayaa ka dhacay caasimada, wallow laamaha amaanka ku howlan yihiin adkeynta amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM