Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Ethiopia [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Somalia ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya Amb. Jamaaludiin Mustafa Omar, ka hor booqashada Madaxweynaha lagu wado in Todobaadkan ku tago dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo bishii hore xukuumadda Addis ababa usoo magacowday Wakiilka gaarka ah ee u jooga Somalia.

Danjire Jamaaludiin Mustafa Omar ayaa ugu horeyn madaxweynaha u gudbiyay nuqulo ka mid ah waraaqdiisa danjirnimo iyo dhambaal uu ka sido Madaxweynaha dowladda Itoobiya Mulatu Teshome.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhoweeyay xafiiskiisa Danjiraha cusub ee Itoobiya Amb. Jamaaludiin, oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali, kana soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Qaabilaada Madaxweynaha oo aheyd mid hab maamuus leh oo la  mida ah midda diblomaasiyadda Caalamiga ah, ayaa waxaa la is dhinac dhigay Calamada Itoobiya iyo Soomaaliya, xilliga Madaxweynuhu guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Shalay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirnimo uu ka guddoomay Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in Arbacada soo socota uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu ku joogi doono booqasho qaadan doonto labo cisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM