Farmaajo: Shisheeye aan Soomaali jeclayn baa taageera AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in kooxda Al-Shabaab ay taageero dhaqaale ka hesho dibadda, inkasta oo uusan cid gaar ah farta ku fiiqin.

Hasayeeshee, hogaamiyaha dalka, ayaa ku tilmaamay cida barataarta kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida "shisheeye aan jeclayn dadka Soomaaliyeed."

"Waan ognahay in shisheeye aan Soomaali jeclayn in ay taageeraan argagixisada … lama dagaalayaan dowlada ee waa xasiloonida iyo qaranka Soomaaliya," ayuu raaciyay.

Farmaajo ayaa cod dheer uga dalbaday shacabka iyo siyaasiyiinta in ay ku garab siiyaan ciidanka sidii ay uga adkaan lahaayeen xoogaga Al-Shabaab.

"Hadii aan fursad siino haatan sidaan ayay ula dagaalayaan dowladaha dambe … marka shacab iyo siyaasiyiin waa in aan u midowno, oo aan ciidanka ku caawino xogta cadowga," ayuu raaciyay.

Mar uu soo hadal-qaaday howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka dowlada ay ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka ayuu tibaaxay in ay ciidanka kasoo hooyeen guulo.

"Meelihii ay qaraxyada kasoo gelin jireen [Muqdisho] ayaan ka qabsanay," ayuu xusay, isaga oo ku daray "Ciidankeenu waa in aan ku taageeraan caano iyo biyo.

Xoogaga dowlada ayaa illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay in ay Al-Shabaab ka qabsadeen todobaadkaan tuulooyin ay ugu muhiimsan tahay Sabiid.

"Waxay Muqdisho qaraxyada uga fulinayaan waa in la yiraahdo meeshaasi dowlad kama jirto," ayuu hadalkiisa kusii daray madaxwaynuhu.

Madaxwayne Farmaajo oo ku nuux-nuux saday in dowladiisu ka go’an tahay in ay xididaha u siibto Al-Shabaab ayaa cod dheer ku qiray in ay jiraan dad Soomaaliyed gudaha iyo dibada ku nool oo lacago ku taageera argagxisada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM