Farmajo iyo Guterres oo Baydhabo u safraya

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Gatters ayaa lagu wadaa inay maanta u safraan magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Wararka uu warsidaha GO, ka helayo Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in wafdi ay horkacayaan labada mas’uul tagi doonaa xarunta gobolka Baay si ay ugu kuur-galaan xaaladda abaaraha ee ka jira deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Gobolka Baay, ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee abaartu ku dhufatay taasoo keentay in dad badan ugu geeriyooday Xanuuno, Gaajo iyo Harraad.

Gatters iyo Madaxweyne Farmaajo oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdishu ayaa sheegay in abaarta ka jirta dalka Somalia ay marayso heerkii ugu saraysay iyagoo intaas ku daray inay u baahantahay gar-gaar deg deg ah oo wax loogu qabanayo dadka iyo duunyada ku sugan gobollada Somalia.

Waxay qireen xaaladda abaartu inay gaartay heerkii ugu saraysay iyagoo intaas ku daray inaysay inay dadaal u gali doonaan sidii dadka loo  bad-baadin lahaa.

Beesha Caalamka ayay ugu baaqeen inay ka qayb qaadato bad-baadin shacabka Somaliyeed oo muddo saddex sano ah aan helin xilli roobaadyadii la filayay.

Booqashada Gatters ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Somalia ku yimaado tan iyo markii xilkan loo magacaabay Sannadkii hore.

Dhawaan Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa ka digtay abaarta ka jirta dalka iyagoo sheegay inay kala bar shacabka Somaliyeed ay saamaysay abaarta iyagoo qarka u saaran macaluul iyo nafaqo darro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM