​Farmajo oo la kulmay Qurba-joog u timid Shir fashilmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay (9-dii October), ku qaabilay Xafiiskiisa Qurba-joog kusoo lug go'day Shirkii fashilmay, ee arrimaha dib-u eegista Dastuurka.

Qurba-joogtan, oo ka kala yimid Waqooyiga Ameerika, Yurub iyo Australia, ayaa lagu casuumay Shir ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dastuurka, oo la filayay inuu ka furmo Muqdisho Axadii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa uga cudur-daarey Wasiir Xoosh Kulanka uu kusoo casuumay, ee qabsoomi waayay. Wasiirka ayaa qaban-qaabiyay Shirka, isagoo kala tashan Gudiyada Dastuurka iyo maamul goboleedyada, sidaasi darteedna uu ku fashilmay.

Wasiirka Dastuurka, Cabdi Xoosh Jibriil, ayaa dadkan ugu yeeray Shir aan la isku raacsaneyn qabashadiisa, kaasi oo ay ku gacan-seyreen Maamullada dalka, Labada Golle ee Baarlamaanka iyo Gudiga madaxa-banaan, ee Dib u eegista Dastuurka.

Dadka Somalida ah ee ku nool dalka dibadiisa intooda badan ayaa inta badan muhiimad gaar ah siiin sharciyada kulamada kuwasoo fursado gaar u ah ka eegta.

Qurba-joogta ayaa inta badan lagu casuumaa shirarka ay qabtaan Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka, iyagoo iska eegin waxa ay u imaanayaan inay dan ugu jirto mustaqbalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM