Farmajo oo la kulmaya Trump Shirka Riyadh

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa saaka ku wajahan magaalada Riyadh ee caasumadda dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka qeyb galayaa Shirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Berri ka furmaya Magaalada Riyadh.

Safarka Madaxweyne Farmaajo, ayaa yimid kadib markii uu Boqorka Sucuudiga Salman Bin Cabdi Casiis, usoo diray  todobaadkii tagey Warqad Casuumaad ah oo  ku aadan in uu ka qeybgalo shirka caalamiga ee Boqortooyada Sacuudiga.

Madax kale oo ka socoto 50 dowladooda, oo dalalka Muslim-ka ah, ayaa ka qeybgalaya Shirka, waxaana looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Xayiraada Safarka ee uu Donald Trump saarey 6 dal oo Muslim ah.

Boqor Salman ayaa sheegay in ka qeybgalka Farmaajo ee Shirka uu muhiim u yahay Somalia, si looga caawiyo dib u dhiska dalka, la dagaallanka Argagaxisada iyo wax kaqabashada arrimaha bini'aadanimada.

Madaxweynaha Somalia ayaa horay Safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Sacuudiga Bishii Febuary, maalin kadib caleema-saarkiisa, wuxuuna kadib tagey dalalka Urdun, UAE, Kenya , Turkiga , Ethiopia iyo UK.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo la kulmayo Berri dhigiisa Mareykanka Donald Trump, waxayna kawada hadli doonaan arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Donald Trump ayaa Safarkiisa ugu horeeyay ku tagi doono Sucuudiga, isagoo ka qaybgalaya Kulankaaas muhiimka ah ee Mareykanka iyo Muslimiinta u dhaxayn doona.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM