Farmajo oo mar 2aad la kulmay hogaanka ONLF, kuna casuumay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

ASMARA - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar labaada mudo 3 bilood gudahooda kula kulmay magaalada Asmara, ee caasimadda Eritrea gudoomiyaha Jabhadda ONLF, Maxamed Cumar Cismaan.

Kulanka waxaa sidoo kale ku wehliyay xoghayaha guud ee ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan Jabhaddan dagaalka kula jirta Eithiopia.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku casuumay hogaanka sare ee ONLF magaalada Muqdisho, oo ah halkii ay dowladdiisa ka dhoofisay Cabdikariim Qalbi Dhagax 2017, oo ugu gacan gelisay dowladda Itoobiya.

ONLF iyo Villa Somalia wali fahfaahin kama bixin ajandooyinka wadahadalka Asmara ku dhexmaray Farmaajo iyo hogaanka Ururkan oo dhawaan ogolaadey inuu la jaan-qaado isbedelka Itoobiya ka socda, gaar ahaan dowlad degaanka Soomaalida.

Lama oga ujeedooyinka ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka damacsan tahay ONLF, oo ah Jabhad aan saldhigyo ku lahayn dalka, balse mudo dagaal kula jirtay dowladda Eithiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM