Farmajo oo mar 2aad la kulmay hogaanka ONLF, kuna casuumay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

ASMARA - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar labaada mudo 3 bilood gudahooda kula kulmay magaalada Asmara, ee caasimadda Eritrea gudoomiyaha Jabhadda ONLF, Maxamed Cumar Cismaan.

Kulanka waxaa sidoo kale ku wehliyay xoghayaha guud ee ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan Jabhaddan dagaalka kula jirta Eithiopia.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku casuumay hogaanka sare ee ONLF magaalada Muqdisho, oo ah halkii ay dowladdiisa ka dhoofisay Cabdikariim Qalbi Dhagax 2017, oo ugu gacan gelisay dowladda Itoobiya.

ONLF iyo Villa Somalia wali fahfaahin kama bixin ajandooyinka wadahadalka Asmara ku dhexmaray Farmaajo iyo hogaanka Ururkan oo dhawaan ogolaadey inuu la jaan-qaado isbedelka Itoobiya ka socda, gaar ahaan dowlad degaanka Soomaalida.

Lama oga ujeedooyinka ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka damacsan tahay ONLF, oo ah Jabhad aan saldhigyo ku lahayn dalka, balse mudo dagaal kula jirtay dowladda Eithiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM