Farole oo la kulmay Jaaliyadda Somalida ee dalka Imaaraadka

Image

DUBAI- Murashax madaxweynaha Dalka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole, ayaa xalay xaflad heer sare oo soo dhaweyn ah loogu sameeyay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaan kulankaasi kasoo qayb galay siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan kuwaas oo muujiyay siday ugu faraxsanyihiin murashaxnimada Farole.

Xaflada soo dhaweynta oo lagu qabtay Hotel Radison Blue ee magaalada Dubai, waxaana ka hadlay xubno kala duwan oo haween ku jireen, waxayna sheegeen in Somalia u baahantahay is-badal iyo shakhsi ka saari kara dhibka waddanka ka jira, waxayna murashax Farole ku dhiiri galiyeen inuu sii wado dadaalkiisa ku aadan hogaaminta dalka.

Farole ayaa goor sii horraysay maalintii Talaadada ee lasoo dhaaafay kulan la qaatay Ra'isal wasaare Sharmake, waxayna ka wada hadleen arrimaha Somalia.

Soo dhaweynta Imaaraadka ee madaxweynihii hore Puntland, ayaa imaanaysa xilli dhawaan jaaliyadda dalka Australia xaflado kala duwan u qabteen murashaxan oo ay sheegeen inuu leedahay awood hogamineed iyagoo tilmaamay inuu yahay shakhsi ku dayasho mudan.

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, ayaa olalihiisa siyaasadeed ee Somalia si xowli ah uga socdaan dalka dibadiisa, waxaana la filayaa inuu dhawaan soo gaaro dalka, waxaana waddanka laga dareemayaa loollanka loogu jiro doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM