​Farole oo la kulmay Wakiilka Cusub ee Midowga Yurub

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Federaalka ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay wakiilka cusub Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Veronique Lorenzo.

Wararka warsidaha Garowe Online kulankaas ka helayo,  ayaa sheegaya in looga hadlay arrimaha Somalia gaar ahaan doorashada guddoomiyaha aqalka sare, madaxweynaha Somalia iyo sida waddamada Midowga Yurub uga qayb qaadan lahaayeen abaaraha ka taagan waddanka ka jira.

Labada mas'uul ayaa si qoto dheer uga hadlay dadaallada socda iyo sidii dalka Somalia uga dhici lahayd doorasho xalaal ah, waxaan wakiilka Midowga Yurub ayaa sheegtay in wixii dadaal ah ka gaysan doonaan.

Abaarta ayay si adag uga hadleen, waxayna isku raaceen in loo baahanyahay gurmad deg deg ah oo lala gaaro dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen, kuwaasoo ay xuseen inaysan dhibka jira waqti badan kusii jiri karin.

Dhan kale Murashaxa Farole, ayaa la kulmay wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan doorashada Somalia.

Kulamadan, ayaa kusoo aadaya xilli Farole halkaas u joogo arrimo ku aadan loollankiisa murashaxnimo iyadoo la filayo inuu maalmaha soo aadan u gudbo caasumadda dalka Somalia ee Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM