Faroole oo shaaciyey qodobo fure u ah qabyo-tirka dastuurka
GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka qeybgalay dood qeyb ka ah Madasha Aragti-wadaaga Heritage ee caasimada Puntland ee Garowe ayaa soo bandhigay qodobo lagu qabyo-tiri karo dastuurka dalka.
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland oo kamid ah xeeldheeryaasha dastuurka ayaa qodobadda uu daaha ka rogay waxay kala yihiin;
- In la helo madax xil kasta oo sharciga u hogaansanta
- In madaxweynaha uu waajibaadkiisu u guto sidda dastuurka dhigayo
"Tan kale waxa weye hadaan madaxweynuhu aqoon waayo waxa waajib loogu leeyahay, wuxuu xaqa uu isagu u leeyahay iyo waxa uusan xaq u lahayn; madaxweynaha waxa uu xaq u leeyahay waa madaxweynaha jamhuuriyada magacaas ayaanba la maleysan karin," ayuu isla qodobkan sharaxaad dheer uga bixiyey.
- In baarlamaanka uusan hoos-tagin Madaxtooyadda
- In Xildhibaanadda aysan ku milmin wasaaradaha
"Baarlamaanka ragga ku jira ee wasaaradaha kamid noqdey [waa inaysan] in ay mar wasaaradda ka coddeyn, marka kalana baarlamaanka aysan ka coddeyn. Halna kama joogo [hadda] dadka aan la hadleyno waa ayaga. Markii ay hadlayeen [gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka] wixii sabcinayey waxay ahaayeen wixii Xamar ka yimid uma aysan imaan in ay wax ka faa'iideystaan halkan ee waxay u yimaadaan in ay sabciyaan xaqiiqada runta ahna waa intaa," ayuu ku fahfaahiyey qodobkan aadka xasaasiga u ah.
- Iyo in la dhaqan-geliyo qodobka 134, farqadiisa labaad ee dastuurka ku meelgaarka ah [kaasoo xeerinaya dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo waajibaadkiisa].
Guddiga Madaxa-banaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka waxaa min shan xubnood ku yeelanaya maamulada, waxaana kusoo biiraya shan xubnood kale oo ka imaanaya labadda gole ee baarlamaanka federaalka ah.
Marka ay soo gabagabeeyaan shaqadooda, waxay warbixin u gudbinayaan baarlamaanka oo cod u qaadi doona kahor inta aan lala sugin Somaliland iyo afti dadweyne – kuwaas oo kamid ah caqabadaha waqtiga dheer qaadanaya.
Dowladda federaalka ah ee haatan muddo xileedka uu dhamaadka ka yahay ayaa baalmartay habraacan waxaana arrintaas ay dhabaha u xaartey in uu waqtiga kasii dhacayo ayadda oo dib-u-eegis heshiis lagu yahay la sameyn.
Ugu dambeyntii, Senator Faroole ayaa meesha ka saarey in dastuurka uu waqtigiisa dhacayo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu kumeelgaar siin ahaan karo illaa habraac la isla og-yahay looga saarayo qabyo-qoraalka uu yahay.
GAROWE ONLINE