​Fartaag oo is-casilay xilli lagu eedeeyay inuu taageeray murashax

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa iska casilay xilka Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha, xilli 8-da February ay dhacayso Doorashada.

Senator Fartaag, ayaa warqaddiisa is casilaadda u gudbiyay  gudoonka Guddiga Doorashada Somalia, iyadoo is-casilaadiisa u sababeeyay inuu yahay shaqsi taageersan Xasan Sheekh.

Fartaag ayaa shaqadan iska wareejiyay markii lagu eedeeyay inuu kamid yahay Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, oo kamid ah 24-ka Murashax ee u taagan Xilka Madaxweynaha Somalia.

Taageeradiisa ayaa soo if-baxday markii uu ka qayb galay kulan casho ah oo mudane Xasan u sameeyay Xildhibaano katirsan labada aqal ee Barlamanka Somalia.

Generalkan mar soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa qorshihiisan ku tilmaamay inuu salka ku hayo inaan laga shakin Guddiga doorashada.

Gudiga Doorashada Madaxweynaha ayaan wali ka hadal Is-casilaadda Fartaag.

Waxaa jira wal-wal laga qabo in la musuq-maasuqo doorashada Madaxweynaha Somalia oo markii u horaysay u codayn doonaan Xildhibaano kamid ah labada Aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM