Mucaaradka Somaliland oo diiday hishiiska sahanka Shidaalka [Dhagayso]

Image

06 September, 2015(GO)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Sooaliland Faysal Cali Waraabe ayaa afduub sharci darro ah ku tilmaamey heshiis DFS la gashay shirkad sahmin doonta Shidaalka ku jira Somalia.

Faysal waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isul wasaaraha oo sheegay inay danaha Somalia lumineyaan oo ay gacanta u galinayso dad shisheeye ah oo doonaya sida uu tilmaamey inay si sahal ah ku helaan kheyradka dalka Somalia.

“Nimankan waxaa u daran uun lacagta ay qaadanayaan laakin ma eegayaan danta ummadda Somaliyeed, waa la wada leeyahay khayraadka oo waxay ka dhaxaysaa Shanta Somalida waaxaana arinta u arka mid xun oo ah Khiyaano Qaran" ayuu yiri Waraabe.

Guddoomiyaha Ucid ayaa tilmaamey inaysan aqbali doonin heshiiska lala galay shirkadda, waxaana arintan uu xusay inay hortaallo Barlamanka Somalia

"Anagu waxaan u aragnaa inay tahay wax aan suurtagal ahayn, waxayna shidaal ka qodan karaan gobolka Banaadir, ree Garowe ogolaan maayaan Somaliland warkeed daa danna kama lahin"Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal Cali Waraabe

Qorshaha baarista shidaalka Somalia ayaa si dhaqso ah ku billaabanaya sida lugu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Badroolka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM