Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa si adag u cambaareeyay in hubkii dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya loo weeciyay khilaafaadka gudaha iyo dagaallo sokeeye, halkii loogu talagalay difaaca qaranka.

Dr. Fiqi ayaa sheegay in hubkan, oo u badan qoryaha fudud, ay Masar bixisay si loo xoojiyo amniga qaranka loogana adkaado "cadowga dhabta ah ee dalka." Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in deeqdaas marnaba loogu talagelin in loo adeegsado shacabka Soomaaliyeed ama lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya maamullada dalka.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in hubkan lagu wareejiyay maleeshiyaad ku sugan deegaanka Buurhakaba, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayaan falal ka dhan ah maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeed. Wuxuu arrintan ku tilmaamay mid ka horimaneysa ujeeddadii asalka ahayd ee loo soo dhiibay hubka iyo amniga guud ee dalka.

“Marka hubkii loogu talagalay difaaca dalka loo adeegsado si khaldan, waxay kaliya sii hurineysaa xiisadaha, waxayna halis gelinaysaa nolosha dadka aan waxba galabsan,” ayuu yiri Dr. Fiqi.

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, dhawaan ku dhowaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka ah, isagoo ku eedeeyay inay faragelin ku hayso amniga iyo xasiloonida gobolka.

Guddoomiye Fiqi ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo beesha caalamka in degdeg loo joojiyo hubka loo weecinayo maleeshiyaadka, laguna celiyo ujeeddadii saxda ahayd ee lagu difaacayay madax-bannaanida qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM

Shacabka Muqdisho oo loo oggolaaday inay Codkooda ku soo doortaan Madaxda Degmooyinka

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu dhisayo goleyaal deegaan iyo doorashooyin ka hirgala gobolka Banaadir.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:33AM