Fiqi iyo Guuleed oo isugu soo haray wareegga 3aad ee doorashada

Image

July 4, 2015 (GO)- Wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ee ka socota magaalada Cadaado ayaa mar dhow soo gaba gaboobey.

Saddexdii murashax ee codadka ugu badan ka helay wareegga koowaad ayaa ku tartamay wareeggan, waxayna codadka u kala heleen sidan:

  1. Cabdikariim Xuseen Guuleed, wuxuu helay 42 cod.
  2. Axmed Macallin Fiqi, wuxuu helay 32 cod.
  3. Axmed Cabdisalaan Xaaji, wuxuu helay 15 cod.

Maadaama saddexda murashax midna helin codadka aqlabiyadda xildhibaannada baarlammaanka oo tiradooda guud tahay 89, waxaa laysla aadey wareeg saddexaad oo ay ku tartami doonaan Axmed Maaxmed Fiqi iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa la saadaalinayaa in kusoo baxo doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM