Fiqi oo iska casilay xilka wasiirka amniga Galmudug

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii ay Qoorqoor "isku fahmi waayeen qaabka loo maareynayo xiisada Ahlu Sunna".

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Axmed Macalin Fiqi ayaa iska casilay xilka wasiirka amniga Galmudug sababo la xiriira markii ay Qoorqoor "isku fahmi waayeen qaabka loo maareynayo xasaradda Ahlu Sunna".

Qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu si aan toos ahayn ugu caddeeyay in madaxweynaha Galmudug uu doorbiday in uu dagaal ku wajaho Ahlu Sunna Waljameeca.

"Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu  asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa  shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel".

"Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo,  iyo  sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Ahlu Sunna ayaa dhowaan dib ula wareegtay magaalada Guriceel. Qabsashadaas waxay ka dambeysay markii kooxda hubeysan ay degaanka dib ugu laabatay kadib laba sano oo ay dibadjoog ka ahaayeen siyaasada.

Dhawaqa Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli warbixino soo baxaya ay sheegayaan in ay burbureen dedaalo la isugu soo dhaweynaayey hogaanka Galmudug iyo Ahlu Sunna kadib shuruudo mid kasta uu ku adkeystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM