Fiqi: Taladii Soomaaliya dad kooban ayay gacanta u gashay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa sheegay in 27 sano kadib taladii wadanka ay kusoo aruurtay dad kooban oo waxqabadkooduna xun yahay.

Fiqi ayaa aad u dhaliilay hanaanka maamulka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in dhamaan balan-qaadyadii uu sameeyay uusan midna fulin.

"Soomaaliya taladeedu meel xun ayay ku socotaa, waa ayaan darro in 27 sano kadib ay dad kooban ku aruursanaato, wax allaale wuxuu balan qaadey Farmaajo waxba kama fulin," ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Wuxuu tilmaamay Xildhibaan in ay jiraan xubno ka tirsan Dowladda oo si gaar ah ula wareegay taladii dalka, oo ku shaqeeya danaha dalal kale oo baasabooradooda ay wataan, kuwaasi oo awooda si qaldan u adeegsanaya.

Xildhibaan Fiqi oo horey usoo noqday Agaasiimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida [NISA], ayaa iska fogeeyay inuu kamid yahay dadka dalalka shisheeye lacagta siiyaan si ay u dumiyaan xukuumadda.

Hadalka Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Xildhibaano katirsan Aqalka hoose iyo Siyaasiyiin caan ah ay wadaan mooshin ka dhan ah Farmaajo.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Mooshinkan ku wajahan Madaxweynaha la filayaa in loo gudbiyo Gudoonka Gollaha Shacabka kahor inta uusan fasaxa galin 16-ka bishan December. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM