Furitaanka fadhiga BF oo la muddeeyay xili la abaabulayo Mooshin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa muddeeyay in kalfadhiga 6aad ee Golahaas uu furmi doono 9-ka October ee 2019 kuna aadan maalin Arbaco ah.

Sidda laga soo xigtay war-qoraal ah oo xeer-dejinta kasoo baxday ayaa looga dalbday Xildhibaanadda "in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka ugu soo laabtaan si aay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah".

Shaacintan oo Sabtida maanta ah timid ayaa waxay kusoo hagaageysaa iyadda oo mudaneyaal ka tirsan Golaha Shacabka ay shaaciyeen in ay wadaan abaabulka Mooshino iska soo horjeeda.

Sharcidejiyeyaasha qaarkood ayaa tibaaxay in ay wadaan Mooshin ka dhan ah xukuumadda, iyaga oo ku doodaya "in ay ku guuldareystay amniga, xasiloonida iyo adkeynta midnimadda waddanka".

Intaas waxaa wehlisa in ay barbar-socdaan xubno kale oo ka dhawaajiyey in ay diyaariyeen qaraar ka dhan ah joogitaanka ciidamadda Kenya, iyaga oo cok-sanaya go'aan horey uga soo baxay dhigooda Nairobi.

Baarlamaanka Kenya ayaa dhowaan meel-mariyey in ay ciidamo u dirto dowladooda goobta ay isku haystaan labadda ee xuduud badeedka, halkaasi oo dacwad ay ka taalo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

ICJ ayaa lagu wadaa in ay go'aan kasoo saarto goorta la dhageysaneyso gal-dacwadeedkan, maadaama Kenya ay dalbatay in dib loo dhigo illaa iyo bisha September ee sanadka 2020-ka.

Xukuumadda Muqdisho oo kasoo horjeesatay codsigaas ayaa ku adkeystay in la qabto dhageysiga 4-ta bisha November, waqtigaas oo ay xeer-beegtada UN-ka horey ugu muddeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM