Furitaanka wadahadaladda Muqdisho iyo wararka ku geedaaman

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Villa Soomaaliya waxaa Axada maanta ah ka furmay shirka arrimaha doorashooyinka kaasoo ay kawada qeybgalayaan madaxweyne Farmaajo, madaxda shanta maamuladda ee waddanka iyo gobolka Banaadir.

Kulamadaan albaabada u xiran yihiin ayaa qodobada ugu culus ee horyaala waa in madaxweyneyaasha ay wada ogol ka gaaraan nooca ay noqoneyso coddeynta nagu soo fool leh iyo mudada ay qabsoomeyso doorashada.

Shirkan aadka isha loogu hayo lana dhowrayay furitaankiisa ayaa noqon karta barta gunaanadka dooda coddeynta, fursadii u dambeysay ee hogaamiyeyaasha Soomaalida iyo mid fashilkiisu sababo faragelin shisheeye.

Madaxda oo guda gelaya maalmo doodo siyaasadeed ayaa la rajeynayaa in ay si wadajir ah ula hadlaan saxaafada maalinta ugu dambeysa.

Maalinta koowaad ee shirka, Villa Soomaaliya ayaa warisay in madaxda iska xog-wareysteen qaabka isaga fahmi lahaayeen qodobadaas.

"Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ugu dadaaleen ka soo qeybgalka shirka, iyadoo haatan loo dhan yahay ka miradhalinta shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka," ayuu yiri Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada C/rashiid Maxamed Xaashi.

Kahor is-araggan guud, madaxda ayaa si gooni-gooniya isku arkay, iyagoo ajendaha uu kamid ahaa arimaha siyaasadeed ee taagan.

"Jubaland waxaa ka go’an sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arimaha Doorashooyinka dalka ee fooda inagu soo haya si ay dalka uga dhacdo Doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacda," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee Jubaland State House.

Puntland iyo Jubaland ayaa ah maamulada dooda ugu adag la geli doona Villa Soomaaliya maadaama saddexda maamul kale iyo Farmaajo ay ku heshiiyeen nooc doorasho, balse ku fashilmeen in ay muddeeyaan.

Labada fekradood ee fooda isku dari doonta inta garnaqsigu socdo waa; in lagu dul-shaqeeyo natiijadii qabyada ahayd ee Dhuusamareeb3, taasoo Villa Soomaaliya iyo maamulada taabacsan riixayaan, iyo in dib loo nashaqadeeyo heshiis cusub iyadoo siiqada la hagaajinayo, oo dhinac kale rabo.

"Puntland mar walba dedaal joogta ah ayey ku bixisaa hanaanka dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya oo dowr weyn ay ku lahayd, haddana dowrkeeda muhiimka ah ay qaadaneyso," ayuu saxaafada u sheegay Jaamac Depraani, afhayeenka Madaxtooyadda dowladda Puntland.

Beesha Caalamka oo damaanad-qaadeyaal ka ah dhaqan-gelka qodobada kasoo baxa kulankaan ayaa si taago-taago ah ula soconeysa maalmaha shirka iyaddoo talaabo qaadeysa mar walba oo dhinacyadu is-mari-waayaan.

Daneeyeyaasha caalamka waxaa fursadaan gacanta u geliyey Villa Soomaaliya markii ay ku guuldareysatay in ay soo magacowdo bedelka ra’iisul wasaarihii ay riday Xasan Cali Khayre kaasoo hadda ah murashax madaxweyne.

Soomaaliya oo ah qaran kasoo kabanaya burbur ayaa mid kamida guulaha uu gaarey waa in xilka si nabad ah lagu kala wareego, balse waxaa dharbaaxo in mar walba dhamaadka muddo xileedka dowlada laga hadlo doorasho ma qabsoomeysaa?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Turkiga u saxiixay inuu yeesho 90% Dakhliga Shidaalka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, saamiga dakhliga ee heshiiskan ayaa dhaliyay muran xooggan oo ku saabsan cadaaladda heshiiska.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 01:12PM

Midowga Yurub: Ma sii wadi karno kaligeen kharashka nabad ilaalinta Soomaaliya

Shirka Kampala ayaa noqon doona talaabo muhiim u ah dejinta ajandaha shir madaxeed la filayo in uu dhaco horraanta bisha Maajo.

  • Soomaliya

    23-04-2025

  • 08:26AM