Gaadiidka AMISOM oo laga joojiyay inay isticmaalaan qaar kamid ah Waddooyinka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa soo saarey amar uu uga mamnuucay Gaadiidka ciidamada AMISOM qaar kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdishu.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in Gaadiidka AMISOM laga joojiyay marista Wadada dheer ee Makka Al-Mukarama, laga soo billaabo Isgoyska Sayida ilaa Isgoyska Banaadir.

Wuxuu intaas ku daray Afhayeenka in go'aankan uu soo baxay kadib markuu arkay; shilalka badan ee Gaadiidka AMISOM ka geesteen Wadada, kuwaasi oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

"Markii arkay dhacdooyinka iyo Shilalka soo noq-noqday, markuu dhageystay tallooyinka Hay'adaha amniga iyo cawashada shacabka, wuxuu go'aamiyay Gudoomiyaha ka mamnuucay Gaadiidka AMISOM marista inta u dhaxaysa Isgoysyada Sayidka iyo Banaadir laga billaabo Subixii illaa saqda dhexe habeenkii," Ayuu yiri Xalane.

Waxaa lagu amray ciidamada Wadooyinka (Taraafikada) inaysan u ogolaan Gaadiidka AMISOM wadada laga joojiyay Isticmaalkeeda, sida ku xugan wareegtada Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi.

AMISOM wali kama aysan hadlin amarka looga mamnuucay marida Wadada u dhaxaysa Sayidka illaa Banaadir.

Dhanka kale, Gudoomiye Thaabit wuxuu magacaabay Gollaha Amniga gobolka Banaadir kuwaasi oo ka shaqeyn doono xasilinta Nabad-gelyada Muqdishu, oo falalka ka dhanka amniga kusoo kordhayeen Mudooyinkii dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM