Gaafoow oo loo magacaabay Taliyaha NISA

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan gaar ah oo maanta isugu yimaadeen golaha xukuumadda Somalia ayaa lagu magacaabay taliyaha hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Somaaliyeed ee NISA, waxaana loo magacaabay Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamud.

Gaafoow ayaa wali haya xilkaasi iyadoo aan la ogayn in laga qaadayo iyo in kale.

Sababta xilkan loogu magacaabay ayaa tilmaamaysa inuu yahay qof kasoo bixi karo jagadan islamarkaana muddo kasoo shaqaynayay arrimaha sirdoonka.

Macaabistan ayaa timi muddo kadib markii xilka laga qaaday taliyihii hore Cabdiraxmaan Tuuryare.

Kulanka golaha wasiirrada isugu yimaadeen maanta oo ahaa mid aan caadi ahayn, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda dalka Turkiga iyadoo shaqadii looga eryay hay'adda Nile Academy oo uu leeyahay Kornaylkii Afgambiga ka dambeeyay oo lagu macaabo Muharrem Kose.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia, oo warsaxaafadeedka golaha wasiirrada warbaahinta u akhriyay ayaa tilmaamay in dowladda Somalia dhibta iyo dheeftaba la qaybsanayso walaalaheeda Turkiga iyadoo cambaaraysay isku daygii fashilmay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM