​Gaari Dad Rakaab ah siday oo lagu rasaaseeyay duleedka Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, qaar kalena way ku dhaawacmeen rasaas lagu furey Gaari Dad Rakaab ah siday duleedka degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Gaarigan, oo saaka ka baxay degmada Afgooye, ayaa lagu soo waramayaa in lagu furey rasaasta, kadib markii uu ku dhacday Isbaaro, aan hore u yaallin Wadada, taasi oo Koox qawlaysato ah ay dadka rakaabka ku dhacaan.

Dableyda ayaa ooda rasaas uga qaadey Gaariga oo ahaa nooca HOMY-da, kadib markii uu Darawalka ka dhega adeegay inuu joojiyay Isbaaradda, waxaana tacshiiradda ku waayay naftooda saddex rakaabka kamid ahaa.

Meydadka dadka Musaafurka ah ee la dilay, ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee degmada Afgooye.

Isbaarooyinka sharci darrada ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay wadooyinka iskau xira degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose, kuwaasi oo ay dhiganayaan rag ku lebisan Dareeska Ciidanka Militariga Dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM