​Gaari Dad Rakaab ah siday oo lagu rasaaseeyay duleedka Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, qaar kalena way ku dhaawacmeen rasaas lagu furey Gaari Dad Rakaab ah siday duleedka degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Gaarigan, oo saaka ka baxay degmada Afgooye, ayaa lagu soo waramayaa in lagu furey rasaasta, kadib markii uu ku dhacday Isbaaro, aan hore u yaallin Wadada, taasi oo Koox qawlaysato ah ay dadka rakaabka ku dhacaan.

Dableyda ayaa ooda rasaas uga qaadey Gaariga oo ahaa nooca HOMY-da, kadib markii uu Darawalka ka dhega adeegay inuu joojiyay Isbaaradda, waxaana tacshiiradda ku waayay naftooda saddex rakaabka kamid ahaa.

Meydadka dadka Musaafurka ah ee la dilay, ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee degmada Afgooye.

Isbaarooyinka sharci darrada ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay wadooyinka iskau xira degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose, kuwaasi oo ay dhiganayaan rag ku lebisan Dareeska Ciidanka Militariga Dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM