Gaari lagu rasaaseeyay Muqdishu iyo Khasaaro ka dhashay [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia - Koox hubaysan saarnaa Gaari, ayaa rasaas ku furey Gaari kale, oo ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayay Xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeenlay, oo katirsan gobolka Banaadir. 

Goob-jooge ayaa u sheegay GO in labo qof ay ku dhaawacmeen weerarka, oo u muuqday mid qorsheysan, oo la doonayay in lagu dilo Xildhibaan katirsan Barlamanka Federaalka Somalia oo lagu mgacaabo Sahra Cumar Maalin. 

Ciidamada Amaanka dowladda ayaa gaarey goobta, waxaana ay sameeyeen howlgal aan cidna lagu soo qaban, maadaama Kooxda falkaasi gaysatay ay baxsatay. Saraakiisha amniga wax fahfaahin ah wali kama bixin dhacdadan.

Wali ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda weerarkan, oo noqonaya midkii labaad oo magaalada ka dhaca mudo labo maalmood gudahooda.

GAROWOENLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM