Gaari sida ciyaartoy oo lagu qarxiyey magaalada Kismaayo

Image
Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ay bilaabatay doorashadda Aqalka Sare ee Soomaaliya. [Photo: Google Earth]

KISMAAYO, Jubaland - Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyoodey, 10 kalana way ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen ciyaartoy lagu qarxiyey magaala madaxda ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo.

Mursal Maxamed Khaliif, wasiirka qorsheynta maamul goboleedkan oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa ka dhawaajiyey in uu weerarka uu ahaa mid is-miidaamin ah.

Dhaawacyada ayaa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka, waxaa ku jira qaar ay xaaladoodu liidato waxaana lagula tacaalayaa mid kamid ah isbitaaladda ku yaala xarunta Jubada Hoose.

Wallow aysan Al-Shabaab wali sheegan, mas'uuliyiinta waxay ku eedeeyeen maleyshiyada Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagxisada ah ee Al-Qaacida.

Taliska booliska Jubaland ayaa u sheegay Garowe Online in ay rumeysan yihiin in wadarta guud ee saarneyd gaariga baska ah ay ahayd 20 isla markaana ay baaritaan ku bilaabeen "dhacdada murugada leh".

Maxaan ka og-nahay ciyaartoyda la beegsaday?

Ciyaartoyda la qarxiyey ayaa metela Kooxda Kubadda Cagta Rugta Ganacsiga Jubaland [JCCI]. Sida ay muujinayaan xogaha, laacibiinta la beegsaday waxay kusii jeedeen daahfurka ciyaar kubadda cagta ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa daahfuri lahaa koobkan oo loo qabtay kooxaha kubadda cagta Kismaayo kaasoo ujeedkiisu ahaa in is-dhexgal loogu sameeyo dhalinyaradda magaaladda dekadda leh.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay weerarkan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya laguna daabacay Twitter-ka.

"Madaxweynaha JFS Mudane @M_Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed," ayay tiri Madaxtooyadda.

Kismaayo ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya. Balse, mararka qaar waxaa ka dhaca falal noocaan ah. Dhacdadan ayaa waxay imaaneysaa maalin kadib daahfurka doorashadda Aqalka Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM