Gaas oo ku baaqay in laga jawaabo qaraxyada Al Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa ku baaqay in si wadajir ah looga jawaabo weerarada Al Shabaab ka fuliso dalka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in aan loo baahnayn dowladda marwalba inay ka tacsiyadayso dadka ku dhinta weerarada Al Shabab, ee looga baahan yahay ficil dhab ah oo wax looga qabanayo dhibaatada.

Wuxuu tilmaamay in Maalinba maalinta ka dambayso uu dhaco qarax ay dad badan ku dhintaa, kuwa kalena way ku dhaawacmeen waxaana loo diraa tacsi, iyadoo aan jirin qorshe looga hortagayo kuwa kale.

Gaas ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad Deeq lacageed oo ka timid shacabka Puntland loogu wareejinayay maamulka gobolka Banaadir, taasi oo loogu tala galay dadkii ku dhawacmay qaraxii Zoobe, ee 14-kii Oct.

Munaasabada oo dhacday xalay waxaa ka qeybagalay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweyne Gaas, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid "Juxa", mas'uuliyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Gaas ayaa ku booriyay ciidamada amniga inay u istaagaan sidii looga taqalusi lahaa Al Shabaab, oo uu ku tilmaamay inay tahay cadowga dalka ee xasuuqa joogtada ku haya shacabka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM