Gaas oo Shir Deg deg ah Kismaayo ugu yeeray Madaxda Maamullada [Akhri Sababta]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwayneyaasha maamuladda dalka ayaa bisha dambe lagu wadaa inay kulmaan Magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, kaassoo noqonaya shirkii 3aad tan iyo 2017.

Gudoomiyaha Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda oo ah Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], ayaa war qoraal ah oo uu soo saarey wuxuu casuumaad ugu fadhiyay madaxda kale, isaga oo codsaday in waqtiga la ilaaliyo.

Kulanka madaxeedkaan ayaa la qorsheeyay inuu qabsoomo 3-da bisha November ee sanadkaan 2018, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili xiisad ay ka dhex-taagan tahay maamuladda qaar ee dalka ka jira, iyo kuwa dowladda Federaalka.

Ma cadda ajandayaasha ugu waa wayn ee kulankaan lagu gorfayn doono, laakiin waxaa la fahansan yahay inay uga arinsanayaa culeys siyaasadeed oo madaxwayeyaasha degaanadooda doorasho kusoo food leedahay maamuladda qaar ee dalka ka jira.

Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa todobaadkii hore ka dhawaajiyay inaanu jirin wax xiriir ah oo dowladda Federaalka kala dhaxeeya maamuladda, wuxuuna ku eedeeyay inay fara-gelineyso arrimahooda gudaha.

Shariif Xasan Aadan, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa geli doona doorasho dhamaadka 2018, waxaana gudaha dalka iyo dibadda ka socda kulamo siyaasadeed oo ay yeelanayaa mucaaradkiisa, kuwaasoo doonaya inay meesha ka saaraan.

Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa dhankiisa waxaa kusoo food leh doorasho ka xasaasisan kuwii horey uga soo dhacay degaanadda maamulka, waxaana soconaya kulamo siyaasadeed oo ay yeelanayaa siyaasiyiin.

Arrimahaan oo dhan iyo kuwa kale oo daaha gadaashiisa ku jira ayaa la fahansan yahay inay soo dadjisay kulanka deg deg ah oo uu Madaxwayne Gaas isugu yeeray madaxda maamuladda dalka, kuwaasoo kulankooda kadib war-murtiyeed soo saari doona.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM