Gaas: Shirkado maalgashi ah ayaa Imaanaya Puntland [Dhageyso]

Image

JULY 25,2015 (GO)- Madaxwaynaha Puntland oo maanta dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Garowe ayaa sheegay in magaalada Nayroobi kulamo kula soo qaatay Beesha caalamaka sida Safaaradaha Wadamo dhowra.

Mud. Gaas ayaa xusey in hay'do caalami ah la kulmey kuwaasoo uu tilmaamay inay ka wada hadleen shaqooyinka ay ka hayaan gudaha Puntland sida arimaha amniga, la dagaalanka argagaxisada iyo arrimo kale.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay sidoo kale in Nayrobi kulamo kula yeeshey madaxda dalka Kenya ayna ka wada hadleen xiriirka Puntland iyo iskaashi dhinacyada nabad galyada iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Puntland oo booqasho asbuuc ah ku joogey magaalada Nairobi ayaa kulamo la qaatey wasiirada arrimaha dibada Kenya, qado sharaf ay u sameeyeen ganacsato reer Puntland halka kulan la qaatey wakiilka mareykanka u qaabislan Somalia iyo ergeyga midowga Yurub.

Mud. Gaas oo wax laga waydiiyey in beesha caalamka uu kala hadley iyo midowga Yurub howlaha dimuqaradiyada Puntland ayaa su'aashaas si toos ah uga jawaabin isaga oo kusoo gaabshey jawaabteeda iney wax kasta kawada hadleen.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya kulan uu la qaatey mud.Gaas safiirka midowga Yurub u qaabislan arrimaha Somalia ay kawada hadleen arrimaha dimuqaraadiyada Puntland.

Safiirka midowga Yurub ayaa kulankiisu diirada saarayey xiliga madaxweynaha Puntand uu magacabaabyo guddiga doorashada ee Puntland isaga oo ka balanqaadey in bisha Augost bartamaheeda uu magacaabi doono.

Hay'ada Interpeace oo u qaabislan midowga Yurub tageerada nidaamka dimoqaradaayida kadib markii nidaamkaas ku yimid gaabis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM