Gabar lagu dhex diley Jaamacad ay ka dhiganeysay Muqdisho

Image

MUQDISHO- Aamino Xuseen Xasan oo ka aheyd ardeyad ka aheyd Jaamacad ku taal magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta 21 Sept,2018 lagu dhex diley fasalkii ay fadhidey gudihiisa kadib markii koox dabley ee hubeysan halkaas soo gashay.

Gabadhaan oo ku guda jirtey sanadkii ugu dambeeyey ee Jaamacada Muqdisho ayaa sida uu sheegey oo xiriirka dadweynaha u qaabilsan xaruntaan ragga dilka fuliyey waxay ku soo dhex dhuunteen ardeyda kale ee iskuulkaan.

Dilkaan ayaa imaanaya xilli magaalada ,maalmihii lasoo dhaafey xaalada amni ee magaalada Muqdisho ayaa kasoo dareysay iyadoo arinkaan uu hareeyey maalmihii lasoo dhaafey Barlamanka Soomaaliya kadib markii xildhibanada ka doodeen sida xukuumada ugu fashilantey xasilinta amniga guud ahaan dalka gaar ahaan magaalo madaxda.

Falkaan lagu diley Aamino Xuseen Xasan ayaa ah mid aan horey uga dhicin mid lamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaheeda waxbarasho marka laga reebo qaraxyo horey loola beegsadey ardey Jaamacad oo qalin jabineysay.

Dowlada Soomaaliya ayaan weli aka hadlin dilkaan laga beegsadey gabadhaan kasoo ku soo beegmaya maalmo ka hor markii ciidamo rasaas ku furanaya wado xirneyd ay haleeshey gabar da'a yar oo ka timid Iskuul taasoo hay'adaha xuquuqul insaanku camaabaareeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM