Gabar Soomaali ah lana qafaashay oo lasoo badbaadiyey

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa Axada maanta ah waxay shaaca ka dhigeen in ay soo badbaadiyeen Hafsa Mohamed Lukman, oo ku afduubneyd guri ku yaala xaafada Kayole ee Nairobi.

Haweeneyda oo 23 jir ah ayaa 14-kii Juun laga qafaashay xaafadda Islii, kadib markii ay ka tagtay dukaankeeda iyadoo ay la socdeen haweeney kale oo magaceeda lagu sheegay Hafsa Abdulwahab.

Warbixinno ayaa soo baxaya muujinaya in dableyda afduubka ka dambeysay ay qoyska weydiisteen Ksh5 milyan oo madaxfurasho ah si Xafsa ay xorriyadeeda si deg-deg dib ugu hesho.

Laanta Dambi-baarista Kenya ayaa maanta waxay ku dhawaaqdey in xog ay ka heshay dadwaynaha ay suurtagelisay in Xafsa ay dib ula midowdo qoyskeeda "iyaddo dhaawac jireed uusan ka muuqan".

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay CID-da Kenya ayaa lagu caddeeyay in ay soo xireen dableyda afduubka ka geystay kuwaas oo u muuqanaya in ay wajihi doonan baaris dheeraad ah iyo maxkamadey.

"Hafsa Mohamed Lukman oo ahayd haweeney ganacsato ah oo deganayd Kamukunji oo la waayey 15-kii Juun, ayaa ugu dambeyntii ay baareyaasha kasoo badbaadiyee kooxihii afduubay. Haweeneyda oo 23 jir ah ayaa laga helay qol laga tagay oo ku yaal Matopeni, Kayole, halkaas oo lagu qasbay inay gasho haanta biyaha," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhacdadan ayaa walaac ku abuurtay dadweynaha iyo saraakiisha nabad-gelyadda Kenya kuwaas oo u muuqda in ay ku fashilmeen in ay si wax ku ool ah u maareeyaan kiisaska afduubka ee soo badanaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM