Gacan ka-hadal dhexmaray guddoonka Barlamanka Somaliland

Image

12 September, 2015(GO)-Fadhigii golaha Barlamanka Somaliland ayaa waxaa ka dhacey gacan ka hadal, kadib markii guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi "Cirro" uu gacan u qaaday guddoomiye ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax.

Aqlabiyadda golaha wakiilada Somaliland ayaa mooshin ka keenay qaraar ku saabsan haamaha Shidaalka Somaliland oo horey Barlamanku u ansixiyay. Kulankaan waxaa shir guddoominayay Cabdiraxman Maxamad Ciro Cirro isaga oo ku wargaliyay in mooshinkaasi loo gudbin doono la taliyaha sharciga ee golahaasi isla markaana kulanku xiranyahay.

Arrintan waxaa ka dhashay buuq ay sameeyeen xildhibaanada mooshinkaan keeney kuwasoo sheegey inuusan awood u lahayn guddoomiye Cirro gudbinta mooshinka.

Murankaasi wuxuu keenay in guddoomiye ku-xigeenka Barlamka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ku doodo in aan shirka la xirin, waxaana taasi sababtay in Cirro dagaal uu Feer u adeegsaday ku qaado ku-xigeenkiisa.

Ciro iyo Baashe ayaa labaduba golaha laga saaray, waxaana dagaalka labada mas'uul ka dhashay markii dambe dagaal kale oo dhexmaray xildhibaanno kala taabacsan labada hogaamiye.

Waa markii ugu horeysay oo gacan ka hadal dhexmaro labada mas'uul ee ugu sareeya golaha wakiilada Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM