Ahlu Sunna oo dib ula wareegtay Tuulada Mareergur [Fahfaahin]

Image

MAREERGUR, Somalia - Malleeshiyada Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Mareergur, ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo shalay isaga soo baxeen, kadib duulaan xooggan oo ay kusoo qaadeen Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamulka Galmudug.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay ka saareen Mareergur Ciidamadii kusoo duulat shalay, islamarkaana hadda ay iyagu si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka, oo qiyaastii 30KM u jirta magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Waxay tilmaameen in Ciidamadii la baxay Deegaanka, ay hadda dib ugu laabteen Tuulada Godinlabe, oo markii hore ay kasoo duuleen.

Ciidamada maamulka Galmudug waxa kaloo laga soo saarey deegaan kale oo lagu magacaabo Miir, oo ku yaalla inta u dhaxaysa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna, Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula), ayaa Galmudug ku eedeeyay inay wado gardarro iyo daan-daansi dagaal, kadib markii ay shalay ciidamadeeda soo waarareen dhowr deegaan oo Ahlu Sunna ka arrimiso.

Ahlu Sunna ayaa maamusha deegaano dhowr ah iyo magaalooyin waaaweyn oo ay kamid yihiin Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxaana ay dagaal kula jiraan Al shabaab iyo Galmudug, oo isku dayaya inay meesha ka saaraan Ururkan, awoodda military ku leh gobolka Galgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM