Ahlu Sunna oo dib ula wareegtay Tuulada Mareergur [Fahfaahin]

Image

MAREERGUR, Somalia - Malleeshiyada Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Mareergur, ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo shalay isaga soo baxeen, kadib duulaan xooggan oo ay kusoo qaadeen Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamulka Galmudug.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegay in ay ka saareen Mareergur Ciidamadii kusoo duulat shalay, islamarkaana hadda ay iyagu si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka, oo qiyaastii 30KM u jirta magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Waxay tilmaameen in Ciidamadii la baxay Deegaanka, ay hadda dib ugu laabteen Tuulada Godinlabe, oo markii hore ay kasoo duuleen.

Ciidamada maamulka Galmudug waxa kaloo laga soo saarey deegaan kale oo lagu magacaabo Miir, oo ku yaalla inta u dhaxaysa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna, Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula), ayaa Galmudug ku eedeeyay inay wado gardarro iyo daan-daansi dagaal, kadib markii ay shalay ciidamadeeda soo waarareen dhowr deegaan oo Ahlu Sunna ka arrimiso.

Ahlu Sunna ayaa maamusha deegaano dhowr ah iyo magaalooyin waaaweyn oo ay kamid yihiin Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxaana ay dagaal kula jiraan Al shabaab iyo Galmudug, oo isku dayaya inay meesha ka saaraan Ururkan, awoodda military ku leh gobolka Galgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM