GALGADUUD: Dilal kala duwan oo ka dhacay magaalada Guriceel

Image

GURICEEL, Somalia - Dilal la xiriira aanooyin qabiil, ayaa xalay waxay ka dhaceen gudaha degmada Guriceel, ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo uu maamulo Ururka Ahlu Sunna Wal-jameeca.

Saraakiisha maamulka degmada, ayaa sheegay in Koox hubaysan, oo aan heebtooda la garan wali ay gaysteen dilalka labo ruux oo shacab ahaa, xilli ay xalay fiidkii ku sugnaayeen goob Makhaayad ah oo ku taalla bartamaha magaalada.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa wax yar kadib gaarey goobta uu dilka ka dhacay, balse kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan ragga dilay labada qof ee shacabka ah, balse waxay Saraakiishu sheegeen inay socdaan howlgallo lagu baadi-goobayo kuwa ka dambeeyay dilalka.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilalka.

Arintaan ayaa lala xiriirinayaa dhanka aanooyinka qabiilka, oo mudooyinkii la soo dhaafay ka jiray qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Guriceel oo uu maamullo Ahlu Sunna.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM