GALGADUUD: Dilal kala duwan oo ka dhacay magaalada Guriceel

Image

GURICEEL, Somalia - Dilal la xiriira aanooyin qabiil, ayaa xalay waxay ka dhaceen gudaha degmada Guriceel, ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo uu maamulo Ururka Ahlu Sunna Wal-jameeca.

Saraakiisha maamulka degmada, ayaa sheegay in Koox hubaysan, oo aan heebtooda la garan wali ay gaysteen dilalka labo ruux oo shacab ahaa, xilli ay xalay fiidkii ku sugnaayeen goob Makhaayad ah oo ku taalla bartamaha magaalada.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa wax yar kadib gaarey goobta uu dilka ka dhacay, balse kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan ragga dilay labada qof ee shacabka ah, balse waxay Saraakiishu sheegeen inay socdaan howlgallo lagu baadi-goobayo kuwa ka dambeeyay dilalka.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilalka.

Arintaan ayaa lala xiriirinayaa dhanka aanooyinka qabiilka, oo mudooyinkii la soo dhaafay ka jiray qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Guriceel oo uu maamullo Ahlu Sunna.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM