​Galgaduud: Xaaladda deegaanka Ceel-hareeri oo dagan

Image

MUQDISHU, Somalia- Xaaladda deegaanka Ceel-hareeri gobolka Galgaduud ee Somalia, ayaa maanta dagan kadib dagaal kharaar oo maalintii shalay 29 Jun, 2016 ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab.

Iska hor-imaadka labada dhinac ayaa sababay khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana wararka laga helayo sheegayaan in dagaalkaasi ku dhinteen 24 ruux oo isugu jira; ciidamada dowladda, Al Shabaab iyo dad shacab ah.

Dhaawaca oo aan la hayn tiro rasmi ah ayaa lagu soo waramayaa inay kor u dhaafayso 10 qof.

Dagaalkaasi ayaa ku bilowday sida wararku sheegayaan weerar kooxda Shabaab kusoo qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda, waxaana isku dhaca ka dhashay rasaas xooggan  oo labada dhinac is-weydaarsadeen.

Col. Axmed Maxamed, oo ah taliyaha saldhigga la weeraray, ayaa VOA-da u sheegay in weerarkaas lagu dilay 18 katirsan Al Shabaab, shan askari iyo qof shacab ah, isagoo intaasi raaciyay inay iska caabiyeen weerar qorshaysna oo kooxda soo diyaarisay mallayshiyaad tiro badan oo aad u hubaysnaa.

“Al Shabaab waxay soo weerareen saldhigeena, waxaana qarxay dagaal la isku Adeegsaday hub kala duwan.... Shabaab Waxay isku dayday in ay Saldhigga la wareegto, Balse waan iska caabinnay,” Ayuu yiri Col. Axmed Maxamed.

Kornayl-ku, wuxuu sidoo kale beeniyay in Al Shabaab la wareegtay saldhigooda isagoo yiri,“Tiro badan ayay nagu soo weerareen, waanan iska difaacnay, Saldhiggana ma qabsan, balse khasaare culus ayaa dagaalka ka gaary”.

Dhinaca kale waxaa isku dhacaasi ka hadashay xarakada Al Shabaab, iyagoo Idaacadda ku hadasha afkooda u sheegtay inay la wareegeen saldhigga ciidanka dowladda Ceel-hareer ee degmada Ceel-dheer islamarkaana dileen tiro badan oo katirsan ciidanka dowladda.

Balse, goob jooge ku sugan meesha lagu dagaallamay ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaasi khasaaro xooggan ka dhashay islamarkaana ay indhaha saareen maydad waran dhulka kuwaasi oo ku qiyaasay 20-qof.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmay xilli kooxda Shabaab weeraro gaadmo ah ula beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan AMISOM, kuwaasi oo qaybtood ka gaysteen khasaaro xooggan halka kuwa kale iyaga lagu laayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM