Galkacayo: qarax lala beegsadey sarkaal u shaqeyn jirey QM

Image

GALKACAYO 28 April, 2015 (GO)- Magaalada Galkacayo ayaa waxaa goor dhoweyd qarax lagula beegsadey sarkaal u shaqeyn jirey hay'ada UNOCHA, qaraxaas oo la sheegey in gaarigiisa lagu rakibey.

Maxamad Cabdiraxman " Dhabancad" oo madax ka ahaa shirkad magaalada Galkacayo galisa Layrarka qoraxda ku shaqeeya ayaa gaariga ka dagey markii qaraxaan qabsadey iyada oo halkaas ku dhawacyo fudud kasoo gaareen dadweyne ka ag dhowaan goobta.  

Ururka Al-shabaab ayaa bartilmaamedesada dadka ka shaqeeya shirkadaha korontada kuwasoo diidan in magaalooyinka helaan iftiin ku filan.

Magaalada Garowe ayaa April 20, 2015 waxaa qarax lagula beegsadey gaari ay laheyd hay'ada UNICEF halkaas oo ay ku dhinteen 4 kamid ah shaqaale ajaanibta ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey.

GAROWEONLINE KALA SOCO WARAR DHEERAAD AH.

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM