Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Heshiis ku saxiixday Jabuuti

Image

JABUUTI - Hogaamiyaasha Galmudug iyo Ururka Ahlu Sunna ayaa maanta heshiis hordhac ah ku saxiixday dalka Jabuuti, oo tan iyo Todobaadii tagey uga socday Wadahadallo ay IGAD garwadeen ka tahay.

Heshiiskan oo aan walii si rasmi ah loo shaacin qodobadiisa, ayaa Mas'uuliyiin ku sugan madadasha lagu saxiixay uu sheegay Warsidaha Garowe Online in labada dhinac ay ku heshiiyeen qododobo ku salaysan awood-qeybsiga Galmudug.

Qodobada qalinka lagu duugay waxaa kamid ah in la mideeyo labada maamulka,magacana loo daayo Galmudug, in ciidamada la isku dhafo iyo in Baarlamaanka kuraas badan loogu daro Ahlu Sunna.

Madaxweyne Xaaf ayaa u saxiixay Heshiiska dhanka Galmudug, halka Sunna Sunna uu u saxiisay hogaamiyhooda Sheekh Maxamed Shaakir, oo u matalayay wadahadallada ka dhacay dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa GO u xaqiijiyay in maalmaha soo socda ee Todobaadkan si rasmi ah ay u shaacin doonaan Galmudug iyo Ahlu Sunna heshiiska ay ku gaareen dalka Jabuuti, markii ay dib ugu soo laabtaan dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir imaanayaan magaalada Muqdisho, oo ay kula kulmi doonaan Madaxweyne Farmaajo, kahor inta aysan ku dhawaaqin heshiiskooda cusub, ee lagu soo afjaro khilaafka hareeyay Galmudug.

Urur diimeedka Ahlu Sunna ayaa gacanta ku haya magaalooyin badan oo ku yaalla Galgaduud, oo Dhuusa-mareeb kamid tahay, taasi oo dowladdii Xasan Sheekh u magacawday Caasimadda Galmudug insii uu socday Shirkii lasu unkay Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa ku gor-gortamaysa awoodeeda iyo dhulka ay maamusho ee gobolka Galgaduud, waxayna dalbatay in tiro lamid ah Xildhibaanada hadda ku jira Baarlamaanka Galmudug in la siiyo iyo magdhaw lacageed khasaarihii kasoo gaaray dagaallada ay la gashay Al Shabaab. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM