​Galmudug iyo HirShabeelle oo loogu baaqay inay diyaariyaan sharciga dowladaha hoose

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Somalia Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa 31 July, 217 furay Shir bille ah oo looga hadlo xasilinta dalka, wuxuuna ka dhacay magaalada Muqdishu.

Shirkan waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay Maamul goboleedyadda iyo dowladda federaalka, Ku xigeenka dhanka gargaar arrimaha bani'aadanimadda Peter De clarke, Ergayga gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan Soomaaliya, madax ka socotay hay'adaha UNSOM, IOM/OTI, TIS+ iyo FCA- Finland. Waxaana looga dooday xoojinta iyo dib-u-heshiisiinta dalka. 

Wasiir Juxa ayaa tilmaamay in mudadii ay xafiiska joogeen ku tallaabsadeen qabashada howlo baaxad leh oo ay kamid yihiin barnaamijyada lagu raadinayo; Dib-u-heshiisiinta dalka,  Arrimaha Federaalka,  Maamul baahinta, Dar-dargelinta sidii loo samayn lahaa goloyaasha deegaanka ee degmooyinka Somalia, gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha waddanka.

Sidoo kale Wasii Juxa ayaa u soo jeediyay maamul goboleedyadda gaar ahaan Gal-mudug iyo Hir-Shabeele inay diyaarinyaan sharciga dowladdaha hoose kaa soo lagu soo dhisi doono goloyaahsooda deegaan ee degmooyinka, maadama ay haatan baahi wayn u qabaan shacabka Soomaaliyeed inay helaan maamul hoosaadyo ay ku dhaqmaan.

Qaar kamid ah madaxdii ka soo qayb gashay kulanka ayaa soo jediyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dhiso goloyaasha deegaanka, waxayna  dhamaantood balan qaadeen inay si wanaagsan ula shaqay doonaan maamulka iyo madaxda Wasaarada si loo fuliyo  sharciyada dalka.

Ugu danbayntii madaxda ayaa isla gartay in shaqooyinka la dadajiyo loona kal hormariyo sida ay u kala muhiim sanyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM