Galmudug iyo HirShabelle oo qaadacay ku darsiga Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulada Galmudug iyo HirShabelle ayaa si cad waxay uga hor-yimaadaan nooc kasta oo muddo kororsi ah oo loo sameeyo maamulka muddo xileedkiisu dhacay ee Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay labada dowlad goboleedyo ayaa lagu sheegay in ay ku baaqayaan qabashadda doorashooyin iyo dib-u-bilaabida wadahadalo ku saleysan heshiiska 17-kii September.

Talaabadan ayaa dharbaaxo aad u kulul waxay ku tahay taliska Farmaajo kaasoo si weyn gacansaar ula lahaa labadan dowlad goboleed isla markaana go'aanadooda saameyn ballaaran ku lahaa.

Go'aanada ay labadan maamul ku mucaaradeen ku darsiga uu laba todobaad kahor meelmariyey Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa yimid maalmo kadib dagaal ka dhacay Muqdisho.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka ah balse u kala jabay mucaaradka iyo muxaafidka. Kala qeybsanaanta ciidamada waxaa laga digay in Al-Shabaab ka macaashto.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si ku celcelis ah waxay uga hor-yimaadaan rabshadaha ay martigelisay caasimada Muqdisho, waxaana ay cod dheer ku dalbadeen in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda.

Tan iyo markii uu dagaalku ka dhacay Muqdisho maalintii Axada, shacabka ayaa waxay bilaabeen in ay ka cararayaan guriyahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in iska-hor-imaadka uu kusii baaho magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM