Galmudug oo hakisay xiriirka DF kuna eedeysay "fekerro madhaleysnimo ah"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Iyaddoo aan wali la xalin khilaafka dowlada iyo qaar kamida maamulada xubnaha ka ah ayaa Galmudug waxay ku dhawaaqday in ay hakisey xiriirka kala dhaxeeyay xukuumada federaalka ah.

"Galmudug waxay isku dayday xoojinta wadashaqeynta dowlada, nasiib daro madaxda dowlada federaalka ayaa ku dhaqaaqeysa fekerro madhaleysnimo oo ah afuubida awooda dastuurku siiyey maamuladda," ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda Xaaf, maamulka Dhuusamareeb ayaa ka cabanaya farogelin, kala qeyb iyo isku day burburinta Galmudug oo ay wadaan madaxda dowlada federaalka ah.

Dhowr illo wareed ayaa warsidaha Garowe Online u xaqiijiyey in maamuladda ay cabasho ka yihiin sharciyada doorashooyinka, bartoolka, qaabka loo sugayo amniga, deeqaha caalamka iyo xeerka canshuuraha.

Dhamaan hindisa sharciyeedyaddan waxaa diyaarisa xukuumadda, iyadda oo aanan kala tashan dowlad goboleedyadda "taasoo baalmarsan Axadiga qabyadda iyo shuruucda kale ee dalku leeyahay ".

Galmudug ayaa sidoo kale madaxtooyadda ku eedeysay "cunaqabeyn dhaqaale sida canshuuraha kalluumeysiga, qoondadii Galmudug ee kaalmada dibadda iyo is hor istaag mashariicyo horumarineed".

Beesha Caalamka ayuu maamulka Xaaf, oo tibaaxay in aysan aqoonsaneen dib u eegista dastuurka iyo sharuucda kale ee xukuumadu wado, ku tartarsiiyey in ay il-gaar ah ku eegaan "falalka burburinta Galmudug oo ay dowladdu wado".

Is-mariwaaga u dhaxeeya madaxda dowlada iyo Galmudug waxaa sidoo kale qayb ka ah xil-heynta madaxweyne Xaaf oo Villa Soomaaliya sheegeyso in ay sanadkan ku egtay, wallow uu isaguna sheegaynayo afarta sano ee soo aadan.

Waa maamulkii labaad oo muddo todobaad ah talaabo noocaan ah ku dhawaaqa. Puntland ayaana kasii horeysay oo ku eedeysay Villa Soomaaliya "isku koobida iyo maroor-sashada taladda waddanka".

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM