Galmudug oo ka hadashay wada-hadalka bur-buray

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa fashilmay Wadahadaladdii ay dowladda Federaalka Somalia garwadeenka ka ahayd ee lagu heshiisiinayay maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jameeca.

Wasiirka Dastuurka Galmudug Cismaan Maxamed Cali, oo ah Guddoomiyaha guddiga wadahadalka maamulkiisa, ayaa xaqiijiyay in wadahadalkii ay la lahaayeen Ahlu Sunna ay burbureen maanta.

Wuxuu ku sheegay in Ahlu Sunna ay Wadahadlka ku xireen shuruudo adag, oo Galmudug aysan kasoo bixi Karin, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

In Xukuumada cusub ee Galmudug la dhisayo laga siiyo 50% ama in ka badan,

In Doorashada lagu qabto Dhuusamareeb,

In la siiyo 60% Xildhibaanada

In Taliyaha ciidamada xoogga ee gobollada dhexe laga la siiyo

In Madaxweyne ku xigeen ay helaan

Balse qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, ayaan meelna looga xusin in wad-hadalkaas bur-buray, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay wasiirku in labada maamul soo xalliyaan mugdi jira, doorashadana la qabto waqtigii loogu talo galay.

Si kastaba, Doorashada Madaxweyne ee Galmudug ayaa la filayaa inay dhacdo 30-ka bishan, waxaana muuqata inaysan Ahlu Sunna ka qeybgali doonin, mar haddii lagu heshiin waayay shirarkii ka dhacay Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM