Galmudug oo ka hadashay wada-hadalka bur-buray

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa fashilmay Wadahadaladdii ay dowladda Federaalka Somalia garwadeenka ka ahayd ee lagu heshiisiinayay maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jameeca.

Wasiirka Dastuurka Galmudug Cismaan Maxamed Cali, oo ah Guddoomiyaha guddiga wadahadalka maamulkiisa, ayaa xaqiijiyay in wadahadalkii ay la lahaayeen Ahlu Sunna ay burbureen maanta.

Wuxuu ku sheegay in Ahlu Sunna ay Wadahadlka ku xireen shuruudo adag, oo Galmudug aysan kasoo bixi Karin, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

In Xukuumada cusub ee Galmudug la dhisayo laga siiyo 50% ama in ka badan,

In Doorashada lagu qabto Dhuusamareeb,

In la siiyo 60% Xildhibaanada

In Taliyaha ciidamada xoogga ee gobollada dhexe laga la siiyo

In Madaxweyne ku xigeen ay helaan

Balse qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, ayaan meelna looga xusin in wad-hadalkaas bur-buray, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay wasiirku in labada maamul soo xalliyaan mugdi jira, doorashadana la qabto waqtigii loogu talo galay.

Si kastaba, Doorashada Madaxweyne ee Galmudug ayaa la filayaa inay dhacdo 30-ka bishan, waxaana muuqata inaysan Ahlu Sunna ka qeybgali doonin, mar haddii lagu heshiin waayay shirarkii ka dhacay Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM