​Galmudug oo ka hadashay wasiirro ku dhintay shil gaari

Image

CADAADO, Somalia- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay shil gaari sababay dhimashada labo wasiiru-dowle iyo nabadoon kuwaasi oo dhintay shalay galinkii dambe xilli ay kusii jeedeen degmada Cadaado ee xarunta u ah maamulkaasi.

Wasiirrada dhintay ayaa kala ahaa Wasiiru-dowladaha Howlaha Guud Aweys Cali Siciid, Wasiiru dowladaha Maaliyada Axmed Cabdillaahi Diiriye Baashe, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Guuleed iyo nin ilaalo u ahaa, waxaana shilkan yimid kadib markii uu baxay daayar gaariguna xawaare sare ku socday.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen wuxuuna ALLE uga baryay inuu jannadii ka waraabiyo.

Aas qaran ayaa lagu wadaa in loogu sameeyo degmada Cadaado, waxaana ka qayb gali doona mas'uuliyiinta maamulka Galmudug.

Shilkan ayaa ka dhacay deegaanka Bandiiradley, wuxuuna dhacay xilli jidka Isku xira Galkacyo iyo Cadaado bur-bur xooggan ka muuqdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM