Galmudug oo ka jawaabtey warsaxafadeedkii dowlada Puntland

Image

CADAADO, GALMUDUG-  Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug ayay kaga hadleeb eedeyn dowlada Puntland ku sheegey in xiriir iskaashi ka dhexeeyo Cadaado iyo Al Shabaab taasoo ay ku tilmaameen mid nasiib daro ah.

Qoraalka Puntland ayaa yimid kadib markii maalintii shaley dagaal magaalada Galkacayo ku dhexmarey ciidamo la socda labada dhinac. 

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somalia ayaa lagu sheegey in taleefan ay ku wada hadleen madaxda madasha waqtigoodu dhacey sidii loo joojin lahaa dagaalkaan iyagoo sheegey in Talaadada kulan ay ku yeelanayaan Muqdshu kaga hadli doonaan.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Galmudug ayaa u qoraa sidatan:

Waxaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland kaddib markii ay dhismo ka bilaabeen dhul aan dhismo loogu talo-gelin oo murano ka jireen iyagoo hawl-galkooda ku billaabay rasaas ay soo fureen Ciidamadii ku sugnaa goobtaas ee Galmudug, iyadoo Ciidamada Galmudug ay billaabeen Difaac iyo iska-cabin. Sidoo kale, waxaa wax lala yaabo ah in Puntland ay war-saxaafadeed ku sheegtay in ciidan Galmudug iyo Al-shabaab oo iskaashanaya ay soo Weerareen, taas oo ah Faham Hooseeya, waayo wax Is-garabsi iyo Cilaaqaad ah oo ka dhexeeya Galmudug iyo Al-shabaab ma jiro, Balse Galmudug iyo Al-shabaab waxaa ka dhaxeeya dagaal, waxaana Galmudug ka go’an inay ka sifeyso Al-shabaab deegaannadeeda. 

Waxaa kaloo nasiib-darro ah in Puntland ku sheegtay War-saxaafadeedka ay soo saartay in dagaalkii shalay uu ahaa mid aar-goosi ah oo Jawaab u ahaa duqeyntii deegaanka jeexdin ka dhacday, taas oo aan u aragno in Puntland ay ku Saan-tirayso Weerarka ay soo qaaday; waxayna caddeyn u tahay colaada ay waddo Puntland.

Halka Galmudug ay ka go’an tahay ku shaqaynta nabad-ku-wada noolaasho dhexe marata laba shacab iyo labada maamul; sidii aan marar bdan ugu baaqnay.

Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug wuxuu u bandhigayaa Dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka Sida; EU, AU iyo IGAD; inay hoos u eegaan Hadallada Deel-qaafka ah ee mar walba kasoo baxaya Puntland, isla markaana xal loo helo hadallada ku aaddan in uu jiro xiriirka ay sheegtay inuu ka dhexeeyo Galmudug iyo Al-shabaab, taasoo Gef ku ah Maamulkeenna.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM