Galmudug oo "qabatay" xubno ka tirsan ONLF [Fahfaahin]

Image

BALANBAL, Soomaaliya - Taliska Booliska maamulka Galmudug, qaybtiisa degmadda Balanbale ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF.

Saraakiisha ay qabteen ayay sheegeen Booliska Galmudug inay si dhuumaaleysi ay ku joogeen magaaladda, iyaga oo tilmaamay in ay ku wareejin doonan Taliska guud ee maamulka, ee uu fadhigiisu yahay magaaladda Dhuusamareeb.

"Waxaan qabanay 10 ka tirsan ONLF, kuwaasoo kasoo talaabay xadka degmadda Balanbale ay la wadaagto Itoobiya, waxayna si dhuumaaleysi ah ku joogeen Magaaladda, waxaana ku wareejin doonaa taliska guud," ayuu yiri sarkaal la hadlay GO.

Ma jiro illaa iyo haatan jawaab ay Jabhadda ONLF kasoo bixisay warka ku saabsan in mas'uuliyiin ka tirsan iyaga lagu qabtay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaara ahaan dhinaca gobolka Galgaduud.

Taliska ciidanka Booliska Galmudug ma uu warisdaha Garowe Online isku deyay inuu waydiiyo hadii xubnaha ay qabteen ay yihiin kuwa hubeysan waa uu ka gaabsaday, isaga oo tilmaamay in wixii fahfaahin dheeri ah ay dib kasoo bixin doonan.

Arrimahaan ayaa imaanaya xili xiisad ay ka taagan tahay magaalada Jigjiga, taasoo sababtay inuu is-casilo Cabdi Maxamuud Cumar, kaasoo ku sugan waqtigaan magalada Addis Ababa halkaas oo ay dowlada Federaalka maalmo ka hor gaysay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Galmudug qabato xubno ka tirsan ONLF, waxaana xusid mudan in sanadkii hore 2017 ay sidaan kale u qabteen Cabdi Kariin [Qalbi Dhagax] oo Jabhadda saraakiisheeda sare kamid ah, kasoo loo dhiibay Itoobiya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM