Galmudug oo sii daysay Wariye ay shalay xukun ku riday

Image

DHUUSAMAREEB - Maamulka Galmudug ayaa maanta xabsiga kasii daayay Wariye lagu magacaabo Maxamed Cabdiweli Tooxow, oo la shaqeeya Idaacad ku taalla Muqdisho iyo Universal TV.

Saxufiga oo shalay waxaa lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah, ayaa la xirey 22-kii bishii hore ee September kadib markii ay lagu soo eedeeyay faafinta warar saraakiisha Galmudug ay dhibsadeen, oo amaanka ku saabsan.

Qodobada lagu soo eedeeyay waxaa kamid ah inuu Idaacad ku taalla Muqdisho u diray war been ah oo ku saabsan in Al-Shabaab ay maamusho inta badan Galmudug iyo in ciidamada maamulka ay qabteen xubno ONLF ka tirsan kadibna loo dhiibay Itoobiya.

Sii daynta wariyaha ayaa ka dambeysay markii dedaallo ay sameeyeen suxfuyiinta gobolka Galgaduud, Odayaasha beeshiisa iyo saraakiil kale oo ka codsaday Galmudug inay xorriyadiisa dib ugu celiso.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay kamid tahay meelaha ugu halista badan ee uu suxufi ka howlgala, waxaana loogu geystaa wariyaasha falal isugu jira; dilal, afduub, jirdil iyo caburin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM