Galmudug oo xukun adag ku riday Suxufi 'war been' ah tebiyay

Image

DHUUSAMAREEB - Maxkamad ciidan oo ay leedahaya Galmudug, kana howlgasha Dhuusamareeb, ayaa xukun Lix bilood oo xabsi ah ku riday maanta wariye Maxamed Cabdi Tooxow oo kamid ah suxufi la shaqeeya Idaacad ku taalla Muqdisho.

Suxufiga oo xabsiga la dhigey 22-kii bishaan ayaa muddo asbuuc ah ku jirey xabsi isagoo xeer-ilaalintu kusoo eedaysey baahinta warar been abuur ah, kuwaasi oo wax u dhimaya amaanka iyo xasiloonida Galmudug.

Xasan Gayrte oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Galmudug ayaa sheegay maanta oo Axad ah in xukunka wariyaha uu yahay mid waafaqsan xeer ciqaabeedka maamulka.

Wariye Tooxow ayaa ah Wakiil wareedka Idaacada Kulmiye oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho iyo Muuq-baahiyaha Universal  TV, oo uga soo warami jiray magaalada Dhuusamareeb.

Soomaaliya oo xasilooni darro ka jirtay 25-kii sano ee lasoo dhaafay, ayaa lagu tilmaamaa inay tahay meesha ugu halista badan ee uu wariye ka howlgalo caalamka, waxaana loo geystaa suxufiyiinta tacadiyo kala duwan iyo dilal, aan loo ciqaabin kuwa geysta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM