Galmudug oo xukun ku riday Muwaadiniin u dhashay Yemen

Image

CADAADO, Soomaaliya - Maxkamad ku taalla Galmudug ayaa sheegtay inay xukun ku riday muwaadiniin u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo lagu helay inay si sharci darro ah uga kalluumaysteen xeebaha maamulkaasi.

Raggan oo kala ah Cabdiraxmaan Cali Saciid, 25 jir, Cabdalla Saalim Cabdalla, 40 jir, Maxamed Saalim Cali, 35 jir, ayaa lagu xukumay min laba sano oo xabsi ah iyo min Laba Kun oo Dollar-ka Mareykanka.

Saddexda qof ayaa waxay shaqaale ka ahaayeen dooni lagu magacaabo Al-Ikhlaas One, taasi oo Maxkamada ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 50 Kun oo Doolarka Mareykanka.

Kaaliyaha Maxkamadda Gobolka Mudug ee dhanka maamulka Galmudug Maxamed Jaamac Diirshe ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamada, kadib markii uu Shir Jaraa'id kuu qabtey magaalada Cadaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM