​Galmudug: Xildhibaano sheegay inay xilkii ka qaadeen Carabey iyo Casir

Image

CADAADO, Somalia- Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa cirka isku sii shareertey, kadib markii kulan caawa isugu yimaadeen xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xaaf ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Barlamanka iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu soo qaban qaabiyay mudane  Xaaf isagoo raadinaya in xilka laga qaado Cali Gacal Casir iyo Maxamad Xaashi Carrabey.

Wararka GO ka helay Cadaado ayaa sheegaya in 52 mudane sheegeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Barlamanka iyagoo eedayn uga dhigay inuu kasoo bixi waayay shaqadiisii islamarkaana uu faraha kula jiro fowdada siyaasadeed ee gobolka ka taagan.

Dhinaca kale 49 mudane ayaa sheegay inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku-xigeenkii Galmudug kadib markii loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana ka aamusay labo mudane halka mid kale uu diiday.

Arrintan ayaa timid xilli maanta xildhibaanadii taageersanaa in xilka laga qaado Madaxweyne Xaaf ay magacaabeen Guddi ka shaqeeya arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug kuwaasoo tiro ahaan ka kooban 13 mudane.

Kulankaas waxaa Shir guddoomiyay ku-xigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Barlamanka Axmed Yusuf Xasan (Ciyoow), kaasoo tilmaamay in xubnaha Guddiga laga dhigay heeleen kalsoonida Barlamanka si ay howlahooda u bilaabaan.

Fowdadan siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado ayaa bilaabatay kadib markii Xaaf uu taageeray isbahaysiga Sucuudiga, waxaana tallaabadaas diiday ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Barlamanka Galmudug, waxayna keentay inay yiraahdeen in xilkii ka qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug oo xilkaan loo doortey May, 2017.

Maanta ayay ahayd markii ciidamo mallayshiyaad ah laga saaray magaalada Cadaado taasoo  keentay in Xaaladda xaruntaas noqoto mid kacsan.

Majirto ilaa hadda xal ay keeneen Xildhibaano u yimid inay qaboojiyaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Cadaado.

Goor sii horaysay Madaxweyne xaaf ayaa dhibka ka socda Cadaado ku eedeeyay dowladda Federaalka, halka siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ee ku jirta Barlamanka Somalia mas’uuliyadda dhibkaan ay saarayaan isla dadka kasoo jeeda Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM