Ganacsade ku deeqay markab lagu soo qaadayo qaxootiga Yemen

Image

May 25, 2015 (GO)- Ganacsade Soomaali ah ayaa ku deeqay markab loogu talo galay inuu soo daad gureeyo qaxootiga Soomaalida ee ku xanniban dagaallada ka socda dalka Yemen.

Cabdi Cali oo ah mulkiilaha shirkad kireysa maraakiibta xammuulka ayaa sheegay in markii uu arkey dhibka  haysta qaxootiga uu go'aan ku gaarey inuu ka qayb qaato gurmadka.

"waxan go'aansadey maadaama aan kamid ahayd ganacsatada Soomaalida ee maraakiibta leh inaan diro markabkii ugu horreeyey oo aan albaabka u furo dadka khayrka jecel" ayuu yiri.

Dowladda Federaalka oo sheegtay inay maraakiib soo qaada qaxootiga u diri doonto Yemen ayaan ilaa iyo hadda wax tallaabo ah qaadin.

Shalay ayey ahayd markii maamulka Somaliland sheegtay inaysan hadda kadib qaabili doonin qaxootiga ka imaanaya Yemen, arrintaasoo caqabad ku noqon doonta maareynta qaxootiga maadaama culeyskoodu usoo weecan doono dhanka Bosaso.

Dadweynaha Puntland ayaa isu xil qaamey sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalahooda soo qaxay, waxaana xusid mudan in laga soo bilaabo bishii April ay dadweynaha Puntland ku deeqeen lacag kor u dhaafeysa boqol iyo konton kun oo doollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM