Ganacsade la dhashay Xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dabley aan heybtooda la aqoonsan ayaa lagu waramay in duleedka Koonfur Galbeed ee Muqdisho ay Jimcada maanta ah ku dishay ganacsade la dhashay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmaday Siidow Cismaan Baaba ayaa la beegsaday xilli uu kasoo baxay xaflad meher gudaha degaanka Ceelasha Biyaha, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal.

Axmaday oo sidoo kale ahaa Gudoomiyaha Hay'adda B.O.D ayaa waxay walaalo yihiin Nuur Siidow Cismaan Baaba, oo ah mudane Golaha Shacabka.

"Xabada waxay kaga dhacdey qeybaha sarre ee jirka. Kooxihii hubeysanaa ee falkaas ka dambeeyay waxay meesha ka carareen kahor inta aysan goobta imaan ciidamadda ammaanka" ayuu yiri qof codsaday in aan la carabaabin.

Ehel, asxaab iyo shaqsiyaad kale oo ay soo wadashaqeeyeen marxuumka ayaa dhambaalo tacsi ah waxay qoyska u marinayaan baraha bulshadda.

Ma jiro koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Hase ahaatee, khaarijinta noocaan ah waxaa looga bartay Al-Shabaab iyo Daacish.

Bishii April 27-keeda sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii Xildhibaan Nuur lagu doortey magaala madaxda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Sharci-dejiye Nuur ayaa kursiga uu kaga guuleystay laba murashax kale waxaa 30-kii December, sanadkii 2018-kii xanuun dhanka wadnaha ah uga geeriyooday Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, kaasoo xilal kale horey soo qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM