​Ganacsade lagu dilay magaalada Laascaano

Image

LAASCAANO, Somalia- Koox ku hubaysnaa Bastoolado ayaa caawa magaalada Laascaano xarunta gobolka Sool ku weeraray niman ganacsato ah, waxaana geeriyooda mid kamid ah sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa degmada.

Weerarka oo dhacay salaaddi cishaha kadib ayaa lala eegtay sarkaal sare oo katirsanaa Shirkadda Dahabshiil ee gobolka Banaadir kaasoo booqasho ugu yimid qoyskiisa oo halkaasi ku sugan.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xirsi Yusuf, oo ahaa ganacsatada sida aadka ah looga yaqaano degmadaasi.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay, mas'uuliyadda weerarkaasi oo ka dhacay nawaaxiga masaajidka Jaamaca ee Laascaano.

Ciidamada ammaanka ayaa falkaasi kadib goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin ciidamada maamulka degmada iyo saraakiisha amniga.

Weerarkan ayaa yimid Bil uu kadib markii weerar lagu qaaday Guddoomiyaha ganacsatada gobolkaasi Cabdirasaaq Dhabayaco kaasoo iminka lagu dabiibayo dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM